Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo kadib safarro shaqo oo ku aaday qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa ka warbixiyay waxyaalihii usoo qabsoomay mudadii uu ku maqnaa dalka dibadiisa, madaxweynaha ayaa sheegay in dalka Itoobiya uu uga soo qeybgalay shir looga hadlayay sidii la isaga kaashan ammaanka guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ka Jubbaland ahaan ay waxyaalo badan ka soo wadahadleen mas'uuliyiintii kala duwaneyd ee uu lasoo kulmay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in kulamadaasi ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen kulamo looga hadlayay sida looga guul gaari karo shirka madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka dalka ee sanadka, kaa oo 10-ka bisha ka furmi doona Kismaayo, wuxuu intaas ku daray inuu rajo weyn ka qabo in shirkaasi ay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah islamarkaana lagu gaari doono go'aano dan u ah dalka iyo dadka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inay socdaan qorsheyaal dagaal oo la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay uga suganyihiin sedexda gobol ee Jubaland, Madaxweynaha ayaa xusay in bisha gudaheeda uu Jubooyinka ka bilaaban doono howlgal uu ugu yeeray {Howgalka Webiga Jubba} kaas oo uu xusay in Shabaab looga saari doono deegaanada Jubaland.
Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo in dhawaan magaalada Kismaayo ay soo gaaraan ciidamo ka socda kuwa Itoobiya, kuwaas oo badeli doona ciidamadii Sierra Leone ee isaga baxay dalka, isla markaana ka qayb qaadan doona howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R8ffnh
via IFTTT
No comments:
Post a Comment