Monday, January 18, 2016

C/weli Gaas: Lama oran karo shirki Kismaayo guul darro ayuu ku soo dhamaaday, waayo…

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo shalay dib ugu laabtay deegaanada uu ka taliyo maamulka puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay halkaasi kaga hadlay shirkii natiijo la'aanta ku soo dhamaaday ee Madaxda Soomaalida ku yeesheen magaalada Kismaayo, C/weli Gaas ayaa sheegay in aan la dhihi karin shirkii Kismaayo guuldaro ayuu ku soo dhamaaday, isagoo xusay in ugu dambeyn la gaari doono heshiis dan u ah dhamaan Soomaalida sida uu yiri.
"Lama oran karo shirka guuldaro ayuu ku soo dhamaaday, waxa laga hadlayay waa masiirka dalka, wax sahlan ma ahan, mararka qaar go'aamo deg deg lama gaari karo, is jiid jiid iyo doodo dheer iyo wada tashiyo badan waa jirayaan, laakiin waxaa aaminsanahay in wax un Soomaali dan u ah, Puntland dan u ah inay ka soo bixi doonaan wada hadalada dambe ee loo balansan yahay" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
C/weli Gaas ayaa sheegay in Puntland ay mowqifkeeda la tagtay shirka, isla markaana ay wakiisheen shacabkeeda, isagoo xusay in cid walba aysan heli doonin 100% wixii iyadu rabtay, ayna lagama maarmaan noqon doonto in wixii danta Soomaalida ay ku jirto tanaasul laga sameeyo.
"Anaga mowiqfka shacabka reer Puntland ayaa meesha geynay, shacabkuna cod dheer ayay ku hadleen, dabcan shacabka Puntland waxay inoo wakiisheen inaan Soomaali ka go'eyn, wixii Soomaali dan u ah oo ka suurta geli karo wixii tanaasulaad ah ayaa meesha geynay"ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.
Shirka Madasha ee Kismaayo ku soo dhammaaday iyo kulamadii kale ee ka horeeyey ayaa looga hadlayay habka lagu soo xulayo xildhibaanada cusub ee baralamanka Soomaaliya, waxaana Puntland ay dooneysaa in hab degmo lagu saleeyo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1OtDh8l
via IFTTT

No comments:

Post a Comment