Saturday, January 2, 2016

Taliye Cali Gaab: Dowladda iyo Al-shabaab Muqdisho ma wada joogayaan, waana in la…

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xersi Barre "Cali Gaab" ayaa sheegay Dowladda iyo Shabaab inaysan wada joogeyn Magaalada Muqdisho, isaga oo ku hanjabay in Magaalada laga saarayo Shabaabka dhuumaaleysanaya sida uu yiri.
Jeneraal Cali Xersi Barre "Cali Gaab" Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir waxa uu tilmaamay Magaalada Muqdisho inay tahay meel ammaan ah oo shacabka Somaliyed ay ku nool yihiin, aysana ogolaan doonin in Shabaabka ay carqaladeeyaan ammaanka.
"Shabaab iyo Dowladda ma wada joogayaan Magaalada Muqdisho si dhab ah ayaa looga saarayaa meelaha ay Magaalada kaga dhuumaaleysanayaan, howlgal culus ayeey ciidamada bilaabayaan." Ayuu yiri Cali Gaab.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R8fdvA
via IFTTT

No comments:

Post a Comment