Saturday, January 16, 2016

Heshiis hordhac ah laga gaaray shirkii wadatashiga ee ka socda magaalada Kismaayo oo uu muran badan hareeyay

Wada-hadallo dib uga billowday shalay magaalada Kismaayo kadib markii kuwii socday labadii maalmood ee hore la isku fahmi waayey ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhinacyada halkaasi ku shirsani ay gaareen heshiis horu-dhac ah,inkastoo ay weli taagan yihiin arrimo aan heshiis laga gaarin.
Sida warku sheegayo Hoggaamiyayaasha Soomaalida oo is-afgarad gaari waayay labadii maalmood ee shalay ka horeysay ayaa hakiyey safari ay ugu kala ambabixilahayeen deeganadii ay ka kala yimaadeen,kadib la sheegay in wakiiladda beesha caalamka ay ku cadadaiyeen inay xal ka gaaraan kala aragti duwanaanta u dhaxaysa eek u saabsan qaabka loo soo dooranayo labada gole ee dowladda marka la gaaro dabayaaqada sanadkan markaas oo uu waqtigu ka dhammaanayo dowladda hadda jirta.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Wada-hadaladaasi lugu caddaadiyey kadib ay madaxda Soomaalidu heshiis horu-dhac ah ka gaareen qaar kamid ah qodobadii la isku hayey gaar ahaan sida loo soo xulayo xildhibaanada mustqbalka ee golayaasha dowladda soo socota kuwaas oo kala ah Aqalka sare iyo Aqalka hoose.
Qodobbada ay ku heshiiyeen,waxaa ka mid ah oo ay horay isagu mari-waayeen in labada aqal ee dawladda federaalka midna lagu soo xulo nidaamka 4.5, kan kalena nidaamka deegaanka. Waxaana sida warku sheegayo Aqalka hoose ee baarlamaanka lagu soo xulayo 4.5, halka Aqalka sare lagu soo xulayo nidaamka deegaanka,walow ay jirto qodobbo kale oo dhinaca farsamada ah oo an wali lugu heshiin,waxaase la filaya in maaddaama doodi badneyd la soo gaabiyay in si buuxda la isagu afgarto inta dhiman.
Warar kale ee kismaayo ka imaanaya ayaa iyana sheegaya in la filayo in war-murtiyeed laga soo saaro, gebogabada shirkaasi maanta inkastoo aysan jirin cid katirsan xubnaha ka qeybgelaya shirka oo xaqiijinaya qodobad la sheegay in la isku afgartay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1RXOCjv
via IFTTT

No comments:

Post a Comment