Monday, January 4, 2016

Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug oo ka badbaaday isku day dil iyo faahfaahino ka soo baxaya

Wasiir ku xigeenka gaadiidka cirka iyo dhulka maamulka Galmudug C/samad Yuusuf Cilmi ayaa sheegay in maalmo ka hor uu ka badbaaday isku day dil, xilli kooxo hubeysan oo gaari wadatay ay ku weerareen magaalada Muqdisho, C/samad ayaa sheegay in kooxaha hubeysan oo watay dareys ciidan ay gaari ay wateen ku hor gooyeen gaarigiisa, isla markaana rasaas ooda uga qaadeen.
"Anigoo marayey degmada Waabari ayaa gaari niman hubeysan oo dhar ciidan xirnaa wateen ayaa waxay ku horgooyeen gaarigii aan watay, durbadiiba gaariga waa ka booday, rasaas ayey igu soo rideen, alle waa iga bad baadiyay" ayuu yiri C/samad oo ku sugan Cadaado, sidoo kale waxa uu sheegay in wax yar kadib uu u cararay goob ay ku sugnaayeen ciidamo, markii dambena ay baxsadeen kooxdii hubeysneyd ee weerarka ku soo qaaday.
Wsiir ku xigeenku waxa uu sheegay inuusan garan karin cidda ay ahaayeen kooxda soo weerartay, balse uu u maleynayo inay yihiin kooxihii Muqdisho wax ku dili jirtay, waxa loo beegsanayay ay tahay xilka uu hayo sida uu yiri.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayey kooxo hubeysan oo weeraro ku fulinayey gaadiid, iyadoo lagu dilay weerarada noocaas oo loo yaqaano (Drive By Shooting) xildhibaano, saraakiil iyo dad kale, wuxuuna falkan ku soo aadayaa iydoo todobaadkiiuu ka badbaaday weerar lagu qaarajin lahaa xoghayaha guud ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan oo gaarigiisa la rasaaseeyay.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S1gAfu
via IFTTT

No comments:

Post a Comment