Sunday, January 17, 2016

IGAD oo sheegtay inaysan wax muddo kororsi ah sameysan karin madaxda dowladda Soomaaliya

Wakiilka IGAD u qaabilsan arrimaha dalka Somaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay inaysan jirin wax muddo kororsi ah oo ay sameyn karaan madaxda hadda shaqeysa ee dowladda Federalka Somaliya, danjire Afey waxa uu tilmaamay muddo kordhin loo sameeyo Madaxda dowladda in go'aan ay ka gaartay beesha caalamka muddo hada laga joogo hal sano, taasina ay tahay qaraar meel yaalo.
Waxa uu sheegay qaraarkaasi inuu ahaa in beesha caalamka iyo shacabka Somaaliyed aysan taageerin muddo kororsi ay sameystaan hay'adaha dowladda ee hadda shaqeeya.
"Arrinta muddo korarsi go'aan waxaa ka gaaray beesha caalamka, muddo hadda sanad laga joogo ayaa laga gaaray, waxaa ka gaaray Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, wax IGAD ay gaartay ma'ahan wax aniga shaqsi ahaan Maxamed aan gaaray ma ahan ee waxaa qaraarka uu ahaa go'aankana uu ahaa beesha caalamka iyo shacabka Somaliyed lama soo dhaweyn doono in Hay'adaha hada dhisan waqti loogu darro" ayuu yiri Afey.
Danjire Afey ayaa sidoo kale sheegay inaysan hada muuqan sabab keeni karta in Madaxda dowladda ay sameystaan waqti kordhin maadaama horay ay u haysteen waqti hadana ay haystaan waqti kale, wuxuuna yiri "Sabab ay ugu darsan karaan iima muuqato, maadaama qaraarka uu yaalo, wax daruuri ah oo degdeg ah oo hadda suurtagelin kara in lagu darro ma jirto waqti ayey heystaan waqti horaan bay heysteen, haddey talada u fadhiyaan markaas wax sabab ah oo keeni karta inay waqti lagu kordhiyo, maadaama qaraarkii United Nation uu yaalo haddiise waqti ku darsi uu yimaado waxay noqoneysaa in isbedel rasmi ah oo qaraarkaasi qaraar kale la soo saaro, maadaama hadda ay inoo muuqato doorasho qof iyo cod inaan la qaban karin, laakiin qaraarka noo yaalo waxaa waaye waqti laguma dari karo".



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1lmgfWy
via IFTTT

No comments:

Post a Comment