Wednesday, January 20, 2016

Qaramada Midoobay oo digniin u jeedisay dadka Soomaaliyeed, kana dalbatay inaysan…

Hay'ada qaxootiga Qaramada Midoobay ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa ka digtay khatarta in badda ay maraan Soomaali badan oo dooneysa inay dib ugu noqdan dalka Yemen, kuwaas oo ay sheegtay inay nafsadooda qatar geliyaan.
Afhayeenka hay'addaasi Andirian Edwards ayaa sheegay in 36-qof ay ku dhinteen marin biyeedka horaantii sanadkaan waa marin biyeedkii ay sanadii tagtay ay ka gudbeen 92-kun oo Soomaliya iyo Ethiopian iskugu jira oo tagay Yemen.
Afhayeenka waxa uu hadalkiisa intaa ku daray in tirada Soomalida iyo kuwa Ethiopian ee Muhajirinta ay si kordheen ayna ku abuureyso walaac xoogan, mas'uulkaan ayaa xukuumadaha Soomaaliya iyo Ethiopia ku booriyay in ay ka hor istaagan kooxaha wax tahriibiya sii wadista dhaq dhaqaaqyadooda dadka ku tahriibinayaan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Oyhzju
via IFTTT

No comments:

Post a Comment