Wararka naga soo garaya Magaalada kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo kale oo ka socda dalka itoobiya ay maanta tagidoonaan magaalada kismaayo ,waxaana Ciidamadaasi tagaya kismaayo oo aan ilaa hadda la ogeyn tiradooda ay ku biiri doonaan Ciidamadii shalay gaaray Magaalada Kismaayo kuwaas oo ahaa 250 askari.
Dhinca kale wararka ka imaanaya degmada baardheere ee gobolka gedo ayaa sheegaya inay halkaasi gaareen ciidamo cusub oo itoobiyaan ah,kuwaas oo aan la ogeyn inay ciidamada itoobiya halkaasi horey uga joogay ay bedelayaan iyo inay yihiin kuwo cusub oo lagu soo kordhiyey kuwii horey uga sugnaa.
Dowlada Itobiya oo in mudo ah dedaal ugu jirtay in Ciidamadeedu ay gaaraan Magaalada Kismaayo ayaa hadda ku guuleysatay in ciidamo ka socda dalkeeda ay gaaraan magaalada kismaayo ,waxaana dhawaan u ogolaaday midowga afrika kaas u kala qeybiyey iyaga iyo Kenya kun askari oo ay ka koobnaayeen ciidamadii ka socday dalka Sirilyoon kuwaas oo sanad ka hor ka baxay dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ZHgVFB
via IFTTT
No comments:
Post a Comment