Tuesday, January 26, 2016

Saraakiil ka tirsanaa dowladda Kenya oo lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Lamu

Ugu yaraan 5 Sarkaal oo ka tirsanaa Booliska Dowladda Kenya ayaa dhintay, 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lagu dhuftay Kolonyo ay la socdeen Ciidankaasi oo marayay halka loo yaqaano Milimani oo qiyaastii 70km ujirta magaalada Mpekatoni ee Lamu county ee dalka Kenya.
Sida warku sheegayo baabuurka la qarxiyey ayaa waxaa saarnaa ciidamo Boolis ah gaar ahaan kuwa loo yaqaano AP, iyadoo, ciidanka lagu qarxiyay miinada dhulka lagu aaso xilli ay kusii jeedeen saldhigooda oo kuyaala Kiunga oo ku talla xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Qaraxa kadib dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab waxa ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Ciidamada Dowladda Kenya oo ku sugnaa halka qaraxaasi lagula eegtay taas oo sii kordhisay waxyeeladii markii hore ciidamada Kenya ka soo gaartay qaraxa.
Afhayeenka Ciidamada Booliska ee Dalka Kenya, ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano kale duwan oo uu ku sheegay inay ku doonayaan soo qabashada Dadkii Weerarkaasi ka dambeeyay,mana bixin faahfaahin intaasi dheer.
16-ka Bishii December ee Sanadkii la soo dhaafay, ayey aheyd markii sidan oo kale 3 askari oo uu ku jiray Sarkaal ka tirsanaa Booliska Kenya ay ugu dileen deegaanka Lamu ee dalka kenya kadib markii ay Alshabaab weerar ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen ciidamada dalka Kenya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nmYPdE
via IFTTT

No comments:

Post a Comment