Wednesday, January 6, 2016

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ku wajahan Boosaaso iyo faahfaahino ka soo baxaya socdaalkooda

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdi la socda ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda u ambabaxo magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari halkaasi oo la sheegay in uu ug qeybgelayo furitaanka garooweyn oo diyaaradeed oo halkaasi laga hirgeliyey taas oo sida la sheegay laga codsaday inuu uu isagu furo.
Sida warku sheegayo Madaxweyne xasan ayaa diyaradda uu raacayo waxa ay noqondoontaa tan ugu horeysa ee ka degaysa Garoonkaasi,iyadoo sidoo kale isaga lagu casumey in uu si rasmi ah xarigga uga jaro, waxaana xarigga kala jaraya Madaxweynaha Puntland oo isaga marti loo yahay.
Wufuudda kale ee halkaasi tagtay ayaa waxaa kamid ah: Cali Maxamed Geedi R/wasaarihii hore Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed R/wasaarihii hore ee Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland, Axmed Maxamed Islaan {Madoobe} Madaxweynaha maamulka Jubaland, wasiiro ka socda xukuumadda Soomaaliya, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale, iyadoo sidoo kale ay ka qeybgalayaan xafladdaasi qaar kamid ah Isimada puntland iyo marti sharaf kale.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1mE3iZN
via IFTTT

No comments:

Post a Comment