Tuesday, January 26, 2016

Ciidamada Itoobiya oo hub iyo gaadiid dagaal kala degay magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo ayaa sheegaya in dekedda magaaladaasi uu dhowr maalmood ka hor uu ku xirtay markab gadiid dagaal iyo hub u waday ciidamada itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo, sida warku sheegayo hubkaasi oo ay ku jiraan taangiyo,beebayaal,rasaas iyo gaadiidka ciidanka lagu daabulo oo dhamaantood ah kuwo cusub ayaa muddo 3 maalmood ah ka degayey dekedda kismaayo,waxaana la sheegay in hubkaasi la geeyey fariisimada ciidamada itoobiya ee kismaayo ku sugan.
Wararku wuxuu intaasi ku darayaa in hubkaasi oo ah mid cusub aan la ogeyn halka laga keenay,balse loo maleynayo in ciidamada Itoobiya ee ka howlgelaya Kismaayo dal dibadda ah looga soo iibshay,iyadoo ciidamadaasi ay ka tirsan yihiin ciidamada AMISOM.
Dhinaca kale warark ka imaanaya kismaayo ayaa sheegaya in laga yaabo in ciidamada itoobiya ee ku sugan kismaayo aad loo kordhiyo,iyadoo la adeegsanayo diyaarado,kadib markii ay soo baxday cabsi la xiriira in weeraro xooggani ka yimadaan dhinac xarakada Al-shabaab iyo ciidamada Kenya ay baneeyaan fariisimo badan oo ay ku leeyihiin gobolada J/hoose iyo gedo inkastoo wararkan dambe aan si rasmi ah loo xaqiijin.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nmYOGP
via IFTTT

No comments:

Post a Comment