Saturday, January 16, 2016

Puntland oo ka hadashay shirka Kismaayo, sheegtayna inaysan marnaba ogolaan doonin in la soo celiyo…

Maamulka Puntland ayaa shalay markii ugu horeysay ka hadashay shirka Kismaayo uga socda dhinacyada Soomaalida ee halkaasi ku shirsan, waxayna Puntland sheegtay in weli go'aankeedii ay ku adkaysaneyso aysanna marna ogolaaneynin inuu dib u soo laabto nidaamka federaalka ah, agaasimaha Madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan Yuusuf oo ku sugan kismaayo oo la hadlayay idaacada Daljir waxaa uu faah-faahinta ka bixiyay wararkii ugu dammbeyay ee shirka iyo natiijada la filan karo.
Kulamo Gooni gooni ah ayuu sheegay inay soconayaan Puntlandna ay difaacayso in Soomaaliya doorashadeeda 2016 ay noqoto mid ku salaysan habka deegaanka, iyadoona laga gudbayo hanaanka qabiilka ee 4.5.
Beesha caalamka ayuu sheegay inay Puntland la socod siisay Aragtideeda, waxaana uu sheegay in ay uga mahadcelinayaan sida ay u taageerayaan Soomaaliya oo kasoo kabatay dagaalada iyo colaadii kasoo bilaabatay 1991dii.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Zt2YsM
via IFTTT

No comments:

Post a Comment