Sunday, January 24, 2016

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirkii dalalka Carabta iyo Hindiya ee lagu qabtay

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar ayaa shalay ka qayb-galey shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta iyo Dowlada Hindiya, kaasoo ka furmay magaalada Manama ee Boqortooyada Baxreen.
Shirkan ayaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa is-kaashiga ka dhexeeya wadamada Carabta & Hindiya, qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa: Is-kaashiga dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo ganacsiga, tamarta, dhawrista bay'ada, beeraha, isku filaanshaha wax soo saarka, tayeynta kaabayaasha waxbarashada iyo dhaqanka, warbaahinta, horumatinta adeegyada bulshada iyo caafimaadka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay shirkaasi ayaa ka hadlay xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Dowladda Hindiya iyo Carabta, isagoo ku baaqay in si wadajir ah loo waajaho waxa uu ugu yeeray argagixisada caalamka.
Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in maanta ay Soomaaliya isbedel ballaaran ka sameesey dhinaca Ammaanka iyo deggenaanshaha dalka sida uu yiri, wuxuuna intaasi ku daray in iskuullada si caadi ah loo tago, suuqyadana ay buuxaan oo si caadi ah looga adeegto ,iyadoo Soomaalidii dibadaha dalka ku nooolaa ay dib Soomaliya ugu soo noqonayaan si ay ugu qayb-qaataan dib u dhiska dalkooda.
Xiriirka u dhexeeya Dalka Hindiya iyo kuwa Carabta ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid aad u qoto-dheer, waxaana la og-yahay in ka badan lix Milyan oo shaqaale ah oo u dhashay dalka Hindiya ay ka shaqeeyaan dalalka Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka.
Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaan Hadliye ayaa Waxaa ka mid ahaa; Safiirada Somalia ee Hindiya, Ebyan Ladane Saalax, ahna guddoomiyaha safiirada Carabta ee Hindiya iyo Saalim Macoow Xaaji oo ah la taliyaha koowaad iyo ku xigeenka Danjiraha Soomaaliya ee dalka Sacuudiga.
Shirka waddamada Hindiya iyo Carabta ayaa wuxuu kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad, waxaana lagu iclaameyay si wadajir ah qodobadii shirka kasoo baxay loo meel-mariyo,iyadoo Manama Declaration ay noqotay Shirkii ugu Horeeyey ee Wasiirrada Cabarbta iyo Hindiya ay kuwada kulmaan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1UlnslW
via IFTTT

No comments:

Post a Comment