Tuesday, January 26, 2016

Dowladda Kenya oo jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray dowladda Soomaaliya, sheegtayna inaysan…

Dowladda Kenya ayaa jawaab ka bixisay eedayn uga timid dowladda Soomaaliya oo ahaa inay duqeymo aan naxariis laheyn ku heyso dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyo qoraalkii loo gudbiyey baarlamaanka Soomaliya ee ka dhanka ahaa duqeymaa ay waddo.
Afhayeenka ciidamada Kenya Kolonel David Obonyo ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin eedaymaha ay soo jeediyeen xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya oo ku eedeeyay in diyaaradaha Kenya ay duqeyn la beegsadaan dadka rayidka ee ku nool deegaanada ay Al-shabaab ka howlgalaan ee gobalka Gedo.
Afhayeenka waxa uu isweydiiyey in dadka ay duqeeyeen ciidankiisi ay yihiin dad rayid ah, wuxuuna ku dooday inay ciiddanka Kenya u yimaadeen Somaaliya sida uu yiri sidii ay u badbaadi lahaayeen dadka rayidka ah, wuxuuna intaasi ku daray inay beegsadaan oo keliya Al-shabaab, aysanna ciidankoodu duqeyn dad shacab ah.
Dhinaca kale Kolonel David Obonya waxa uu ka hadlay masiirka askarta Kenya ee ka howlgala Somaaliya, wuxuuna beeniyay war lagu qoray Twitter-ka telefishinka Aljazeera oo lagu xusay inay ciidanka Kenya ay ka baxayaan degmooyin ku yaala Koonfurta Somaaliya, si ay difaac uga dhigtaan degmooyinka ku teedsan xuduudka.
Afhayeenku waxa uu tilmaamay inay ciidanka Kenya sii wadayaan inay ka sii mid noqdaan howlgalka AMISOM, isla markaana aysan jirin wax qorshe ay oo ciidanka Kenya looga saarayo qaar ka mid ah degmooyinka ku yaala Koonfurta Somaliya.
Dhanka kale guddoomiyaha guddiga siyaasadda iyo difaaca barlamaanka Kenya ayaa sheegay inay go'aan ka gaari doonaan inay ciidankooda si madax bannaan uga howlgalaan Somaaliya, iyagoo aan hoos tagi doonin taliska howlgalka AMISOM, waxaana xusid mudan in ciidamada Kenya ay shalay ka baxeen degmada Badhaadhe oo ka tirsan Jubbada hoose iyo deegaanka Ceelcadde oo ka tirsan gobolka Gedo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nmYSpS
via IFTTT

No comments:

Post a Comment