Xildhibaan ka tirsan dalka Kenya oo lagu magacaabo Stephen ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in Ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Soomaaliya si loo badbaadiyo Askar cusub oo kaga geeriyoota Soomaaliya, Mr. Stephen ayaa sheegay in dowladda ay ceeb weyn ku tahay inay daawato dhibaatada ay ku sugan yihiin ciidamadeeda Jooga Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa ka hadlay weerarkii ugu dambeeyay xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo halkaas oo lagu dilay inkabadan 60 Askari oo ka tirsanaa Askarta Kenya.
Mr. Stephen ayaa Madaxweynaha Kenya ugu baaqay in uu cashir ka barto dowladda Maraykanka oo horay Soomaaliya ugala baxday Ciidmadeeda oo ka mid ahaa Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QaIanq
via IFTTT
No comments:
Post a Comment