Friday, January 22, 2016

Dowladda Kenya oo shegtay in duqeyn ay ku dileen taliyihii Al-shabaab ee hogaaminayey weerarkii Ceel-cadde

Taliyaha ciidamada Kenya Jen. Samson Mwathethe oo shir jaraa'id ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in duqeyn ay gudaha Somaaliya ka geysteen ku dileen taliyihii hogaaminayey ciidamada Al-shabaab ee Weeraray Saldhigga Ceel-cadde ee gobolka Gedo Jen. Mwathethe ayaa sheegay in Macalin Janoow oo horkacayay ciidamada Al-shabaab iyo saraakiil kale ay ku dileen duqeyn cirka ah; ayna sidoo kale dileen tiro kale oo ka mid ah xoogagga Al-shabaab.
Sidoo kale taliyaha oo ka hadlayey weerarkii lagu qaaday saldhigga cidamadoodu ay ku sugnaayeen gobolka Gedo ayaa xusay inuu ahaa qarixii ugu horeeyay mid ka weyn sedex jibaar qaraxyadii lagu weeraray safaaradda Maraykanka ee Nairobi sanadkii 1988-kii.
Taliyaha ayaa wuxuu xusay inay adag tahay in lagu ogaado barista DNA-da meydadka dadka ku dhintay qaraxyada. Isagoo xusay inay weli la' yihiin askar badan oo ka tirsan ciidankooda, isagoo diiday inuu sheego tirada ciidamada kaga dhintay weerarkaas.
Ma jiraan warar ka madax-bannaan Kenya oo xaqiijinaya geerida taliyihii hoggaaminayay weerarkii lagu qaaday saldhigga Ceel-cadde ee gobolka Gedo, kaasoo ahaa kii ugu xumaa eee lagu qaado ciidanka Kenya tan iyo 2011-kii markaasoo ay soo galeen Somaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TeQC83
via IFTTT

No comments:

Post a Comment