Friday, January 22, 2016

Warar kala duwan oo ka soo baxaya safar uu dalka Ciraaq ku tagay guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaminayo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Ciraaq; halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay, wafdiga Jawaari ayaa waxaa kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baqdaad Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Salim Abdallah al-Jabouri, Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Ciraaq iyo safiirka Soomaaliya ee u fadhiya dalka Ciraaq, Khadija Maxamed Almakhzumi.
Magaalada Baghdad ayaa waxaa horay ugu sugnaa xildhibaanno baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Baarlamaanka Wadamada Iskaashiga Islaamka ee PUIC iyo Xog-hayaha guud ee baarlamaanka Somalia, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), iyadoo uu socdo shirarkii guddiyada kuwaasoo lagu diyaarin doono ajandayaasha shirka guddoomiyeyaasha baarlamaanada ee dalalka Iskaashiga Islaamka.
Ugu dambeyn, guddoomiye Jawaari ayaa hadal ka jeedin doona shirka Guddoomiyeyaasha baarlamaannada Wadamada Iskaashiga Islaamka ee PUIC oo Rasmi u bilaaban doona 24-ka bishan oo ku began Axadda beri ah.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TeQANn
via IFTTT

No comments:

Post a Comment