Xukuumadda Soomaalia ayaa ku eedaysay hay'adda beeraha iyo cunnada adduunka ee WFP inay gaargaarka ku soo beegto xilliga uu dalaggu u soo go'ayo beeralayda Soomaaliyeed, wasiir ku xigeenka Beeraha Somalia, C/casiis Saalax Carmaan oo shalay VOA-da siiyay wareysi isagoo ku sugan London ayaa sheegay in tallaabooyinka hay'adda WFP ay niyad-jab ku tahay beeraleyda Soomaaliya, inkastoo bishii hore ay dowladda Soomaaliya WFP u cusboonaysiisay heshiiska ay uga shaqeynayso Soomaaliya.
"Qorshaha ay WFP ku socoto waa khalad – mana yeelayno – mana doonayno in mar walba ay kusoo oo beegto gargaarkeeda xilliga beerleyda Soomaaliyeed uu u soo go'ayo dalagga, waxaana ugu baaqaynaa inay ka waantowdo arrimahaas oo kale. Haddii WFP ay doonayso inay wax u qabato beeraleydeenna waa inay dalagga u soo go'a ka iibsato si ay niyada ugu dhisto, ummaddana wax ha siiso" ayuu yiri wasiir ku xigeenka beeraha Soomaaliya.
Sidoo kale wasiir ku igeenka ayaa xusay in wasaaradu ay qorsheynayso in la horumariyo Beeralayda Soomaaliyeed, lana dhiirri-galiyo Shirkadaha Caalamka inay Maal-gashiyo ku samaystaan Somalia, maadaama dhawaan uu baarlamanka Soomaaliya meel-mariyay sharciga maal-gashiga.
"Waxay Soomaaliya leedahay 9-milayn oo hector oo dhul-beereed ah; intii degenaashada ay ka jirtay dalka 80% dhaqaalaha dalka wuxuu ka imaan jiray beeraha, inkastoo ay iyaguna dhaqaale kasoo xaroon jiray kalluumeysiga iyo dhaqashada xoolaha nool," ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo intaas ku daray dalalka caalamka ay dadaal weyn ugu jiraan sidii ay maal-gashi Soomaaliya ugu sameysan lahaayeen.
Isagoo sii hadalya ayuu wasiir ku-xigeenku xusay inay jiraan dalal badan oo lasoo xariiray Soomaaliya oo ay ka mid yihiin; Dalalka Carabta iyo Talyaaniga, kuwaasoo doonaya inay Maal-gashiyo kala duwan ku sameystaan Soomaaliya, Wuxuuna intaasi ku daray in ay soo dhaweynayaan cid walba oo doonaysa inay maal-gashi ku sameysato Somalia.
"Dhawaan waxaa noo yimid wafdi ka socda dalka Talyaaniga, waxaanan geynay warshadii ITOP ee Afgooye iyo beeraha muuska, waxaana inoo socda wadahadal ku aaddan sida ugu habboon ee ay maal-gashi ugu sameysan karaan Soomaaliya" ayuu wasiirku mar kale yiri.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1PeGdTV
via IFTTT
No comments:
Post a Comment