Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu ku wajahan yahay magaalada Cadaado oo xarun ah KMG ah u ah maamulka Galmudug ee ka jira Gobolada dhexe.
Lama hayo ujeedka safarka Madaxweynaha juuba uu ku tagayo Cadaado oo loo badinayo inuu dhaco maanta oo Arbaco ah inuu gaaro cadaado,waxaana laguwadaa inuu halkaasi kula kulamo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariim xuseen guuleed oo aan ilaa hadda la ogeyn waxyaabaha ay kawada hadli doonaan,inkastoo warar aan la xaqiijini sheegayaan inuu kala hadlayo shirka kisamaayo iyo arrimo ku saabsan sidii loo sii wadilahaa wadahadaladii xalka loogu raadinayey dagaaladii ka dhacay gaalkacyo oo madaxweynaha maamulka Jubbalanad uu ka mid ahaa raggii ka qeybqaatay daminta colaaddii halkaasi ka dhacday.
warku wuxuu intaasi ku darayaa in Madaxweyne Axmed Madoobe uu usii gudbi doono magaalada Bosaso si uu uga qayb galo Furitaanka garoon cusub oo diyaaradeed oo halkaasi laga hirgeliyey kaas oo 8 bishaan Janaayo si rasmi ah loo furi doono.
Ma jiro ilaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay maamulada jubba iyo galmudug oo xaqiijinaya jiritaanka warkan sheegaya in madaxweynaha jubaland uu booqanayo degmada Cadaado oo xarun KMG ah u ah hadda maamulka Galmudug.
in dhawaan xafiisyada ama safaaraddaha Kenya iyo Jabuuti dalka laga furi doono sida uu yiri.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1PeGbvq
via IFTTT
No comments:
Post a Comment