Saturday, January 9, 2016

Madaxweynaha Soomaaliya jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeediyay khudbad uu uga hadlay xaaladda dalka iyo marxaladaha isbadelka leh ee ku soo jeeda, wuxuuna sheegay in horumarka ka socda Puntland inuu bilow u yahay horumarada lala doonayo dalka oo dhan.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo wadada ugu wanagsan ayuu soo hadalqaaday, wuxuuna sheegay in la dhageysan doono baaqyada muuqda ee ka soo baxaya dadka Puntland, kuwaas oo sheegay inay ka soo horjeedan nidaamka qabaa'ilka ah ee 4.5, mar uu jawaab ka bixinayey hadal uu jeediyay madaxweynihii hore ee Puntland oo sheegay in looga bahanyahay madaxweyne Xasan inuu ka tanaasulo nidaamka 4.5 ee u taageersanyahay ayaa waxa uu sheegay inuu tanaasulo qofka gacanta wax ku haya.
Dadka Soomaaliyeed ayuu u soo jeediyay madaxweynaha inay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo horumarka dalka, madaxweynaha wuxuu khudbadan ka jeediyay munaasabad uu madaxweynaha Puntland ugu dabaal degayey sanadkii labaad ee u xilka hayo, taas oo ka dhacday madaxtooyadda Boosaaso.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1PljBBf
via IFTTT

No comments:

Post a Comment