Friday, January 29, 2016

Askari lagu dhex dilay saldhig uu ka howlgalayey oo ku yaala magaalada Burco

Mid kamida Ahaa ilaalada Saldhig boolis oo lagu mgacaabo Maxamed Cali Kuna yaalla magaalada Burco ee maamulka Somaliland ayaa habeen hore lagu dilay gudaha saldhiggii uu ka howlgalayey waxaana sida la sheegay saldhigga ku dhextoogtay nin hubeysnaa oo aan la ogeyn inuu saldhigga ka tirsan yahay iyo inuu banaanka saldhigga ka yimid.
Asakariga la dilay ayaa waxa lagu magaacabi jira Shawqi Cumar Yusuf, waxaana la sheegay in ruuxii dilka geystay isla markiiba ay gacanta ku dhigeen xubno ka mid ahaa Askartii Ilaalada Saldhigga ka aheyd waxaana hadda ku socda baaritaan la xiriira sababta uu askariga ka shaqeynayey saldhigga u dilay.
Ilaa hadda maamulka gobolka togdheer kama hadlin dilkaasi,iyadoo sidoo kale aan ilaa hadda la ogeyn sababta askarigaasi loo dilay iyo waxa uu ahaa nink dilka geystay midna.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1VwD7PA
via IFTTT

No comments:

Post a Comment