Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu kaga hadlay go'aankii ay dawladda federaalku gaartey kaas oo ahaa in aqalka hoose ee baarlamaanka lagu soo xulidoono habka awood qaybsiga beelaha ee ee 4.5, halka aqalka sarena lagu soo xuli doono hab maamul goboleed iyadoo Puntland iyo Somaliland loogu dari doono midkiiba saddex xubnood oo dheeraad ah, go'aankaas oo beesha caalamkuna ay soo dhaweysey.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in go'aanka ay gaartey Dawladda Federaalka ee ku saabsan geeddi socodka Doorashooyinka 2016-ka aanu ahayn mid ay gebi ahaanba Puntland aqbalayso sida uu yiri.
"Waxaan rabaa halkaan inaan ka caddeeyo anigoo ku hadlaya magaca dadka Puntland in aanan aqbalayn go'aankaas, uusanna aheyn go'aankaasi midkii ay ii soo wakiisheen shacabka Puntland, aniguna rabitaankooda ayaan ku shaqaynayaa" ayuu yiri C/weli Gaas.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay shacabka Soomaaliyeed in ay yihiin dad isku dan ah islamarkaana isku baahi ah oo doonaya inay gaaraan horumar iyo caddaalad balse waxa mustaqbalkooda hortaagni uu yahay nidaamka qabiilka ee 4.5 kaas oo aafeeyey horumarkii iyo helitaanka dawladnimadii Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gebagebadii tilmaamay in uu talada ku celin doono shacabka reer Puntland maadaama ay iyagu yihiin cidda iskale go'aanka kama dambaysta ah sida uu yiri.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QF7fZC
via IFTTT
No comments:
Post a Comment