Tuesday, January 19, 2016

Qaar ka mid ah beelaha Hiiraan iyo Sh/dhexe oo ka horyimid qaabka loo qeybiyey odayaasha soo xulaya ergada

Qaar ka mid ah beelaha dega gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa ka biyo diiday qaabka ay u qeybisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oday dhaqameedyada soo xulaya ergada ka qeybgalaysa shirka maamul u sameynta Labada Gobol.
Wasiirka Arrimaha gudaha dowlada federalka Soomaaliya C/maan Maxamed Xuseen Odowaa oo gaaray gelinkii dambe ee doraad magaalada Jowhar oo shirar kala duwan la yeeshay oday dhaqameedyada iyo mas'uuliyiitna maamulka labada gobol ayaa hordhigay qaabka ay u qeybsanayaan beelaha oday dhaqameedyada soo xulaya ergada ka qeybgalaysa shirka.
Kulankii wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirada kale ee ay la yeesheen odayaasha dhaqanka ayaa ku dhamaaday buuq, waxaana dib u dhac ku yimid shir jaraa'id lagu soo bandhigi lahaa habka ay u qeybisay Wasaaradda tirada odayaasha soo xulaya ergada, waxaana taa bedelkeed la qeybiyay qoraalo ay ku qoran yihiin habka beelaha loogu qeybiyay.
Qaar kamid ah beelaha goboladaasi ayaa k horyimid qaabka loo qeybiyey odayaasha la doonayo inay soo xulaan ergada shirka waxayna sheegeen inay tahay caddaaladdarro aan la aqbali karin,iyagoo ku hanjabeen inay shirkaasi isaga baxayaan gabi ahaantiis haddii aan la sixin qaabka wax loogu qeybiyey beelaha dega labada gobol sida ay yiraahdeen
Hadaba waxaa halkan idinku soo gudbinaynaa shax tilmameysa sida beelaha labada gobol loogu qeybiyay xubnaha Odayaasha ee soo xulaya ergooyinka: Abgaal 15 xubin, Xawaadle 11xubin, Gaaljecel 6 xubin, Gugundhabe 6 xubin, Jareerweyne 6 xubin, Habargidir 5 xubin, Udeejeen 2 xubin, Moobleen 2 xubin, Dir 2 xubin, Shiikhaal 2 xubin, Reer Owxasan 2 xubin, Hilibi 2 xubin, Yaxar 2 xubin iyo Carab 1 Xubin



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QdtbsS
via IFTTT

No comments:

Post a Comment