Wednesday, January 13, 2016

Shirka madasha iyo aayaha Soomsaaliya oo maanta ka furmaya magaaada Kismaayo iyo kulamo kala duwan oo halkaasi ka dhacay xalay

Sida uu xaqiijiyey wsiirka warfaafinta maamulka jubaland oo maamulkiisa marti loo yahay maanta oo ay taariikhdu ku began tahay 14 January ayuu si rasmi ah u furmi doonaa shirka looga hadlay habraaca doorashada 2016 kadib markii uu dib u dhacay dhawr bari.
Shirkaasi oo oo dhowr jeer dib u dhacay ayaa lagu wadaa inuu furo madaxweyne xasan sheikh oo shalay halkaasi gaaray ,iyadoo la qorsheey inuu socdo ilaa maalmood,waxaana diiradda lagu saarayaa inta uu socdo in la isku raaco nidaamka doorshda soo socota ee dhamaad sanadkan wax lagu soo xulayo iyadoo fikradaha hadda hadda horyaalla shirka loogu kala qeybsan yahay in la raaco habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 iyo in wax lagu soo xulo habka deegaanka, ilaa haddana labaasi fikir weli waa ay taagan yihiin la iskuma afgaran in hal nooc la qaato.
Dhinaca kale madaxweynaha soomaaliya oo shalay halkaasi gaaray ayaa la sheegayaa inuu xalay kulamo la yeeshay inta badan madaxda maamulada halkasi ku sugan kuwaas oo aan la faahfaahin waxyaabaha uu kala hadlay ,waxaana weli socda sidii meel dhexe dhinacyada shirkasi ka qeybgalaya la isugu keeni lahaa Lamana saadaalin karo natiijada shirkaasi.
Shirka Madasha Wadatashiga ayaa waxaa ka qeybgalaya inta uu socdo,madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma'arke, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Puntland, Cabdiweli Maxamed cali Gaas, Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamanka, Mahad Cawad Cabdalla iyo madax kale.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ROtEDu
via IFTTT

No comments:

Post a Comment