Tuesday, January 12, 2016

Madaxweynaha Soomaaliya oo si rasmi ah u furay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo khudbadihii shirkaasi lga jeediyey

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galab si rasmi ah waxaa uu uga furay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe shirka maamul dhisida Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo ay ka soo qeyb galeen boqolaal ergo oo labada gobol ka socotay.
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu tala galay furitaanka Shirka ayaa waxaa ugu horeyn hadal soo dhaweyn ah ka jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen kaas oo sheegay in uu ergooyinka labada gobol ku soo dhaweynayo magaalada Jowhar, wuxuuna intaasi ku daray inay ku faraxsan yihiin in shirka maamul u sameynta labada gobol uu furmo.
Sidoo kale waxaa isna hadal kooban halkaasi ka jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo sheegay inay soo dhaweynayo furitaanka shirka mamul u sameynta labada gobol, isagoo xusay in labada gobol ay yihiin lao gobol oo deris ah, dadkoodana ay wada dhasheen, qaar ka mid ah Salaadiintada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada gobol oo ka hadlay xafladda ayaa dhankooda soo dhaweeyay gogosha maamul u sameynta, waxaana ay ku baaqeen in la dedejiyo maamul u sameynta Labada Gobol.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo isna xafladda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in maamul goboleedyada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu ka mid noqon doono maamul goboleedyada dalka ka jira, isagoo xusay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh markii xilka qabatay sanadkii 2012 ay u suura gashay inay dhismaan maamul goboleedyo, iyadoo sanadkii 2004 lagu heshiiyay in dalka ka dhismaan maamulo federaal ah.
Wasiir Odawaa ayaa sheegay in shirka la dar dar gelin doono si loo dhiso maamul ay leeyihiin labada gobol, isagoo xusay in labada gobol ay taariikh ku leeyihiin halganka gobonimo doonkii iyo la dirirkii gumeystaha,wuxuuna ugu baaqay ergada labada gobol inay soo jeediyaan aragtidooda ku aadan magaca loo bixinayo maamulka Hiiraan iyo Shabelaha dhexe, astaanta maamulka iyo calanka maamulka, isagoo xusay in Wasaaradda Arrimaha gudaha oo howsha wada ay abaal marino ku bixin doonto arrintaasi.
Madaxwene kuxigeenka Jubbaland Suldaan C/qaadir Lugadheere oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in maamulkoodu uu soo dhaweynayo dhismaha maamulada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isla markaana ay diyaar u yihiin wixii taageero ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in la dedejiyo maamulka, isla markaana wixii khilaaf iyo dhaliil dhinac la iska dhigo, si bisha febraayo Madaxweynaha ka soo baxa labadan Gobol uga qeyb galo shirka ka dhici doona Istanbul.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa isna ka sheegay goobta in maamulka labada gobol dhismihiisa ay soo dhaweynayaan, maantana ay gogoshiisa furantay, isagoo ku baaqay in la soo dhaweeyo dadka u dhashay labada gobol ee ka maqan, isla markaana wixii xuquuqdooda la siiyo.
C/kariin Guuleed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dareemayaan inay ka maqan tahay mataan, maadaama labada gobol ay deris yihiin maamulkiisa, waxaana uu talo ahaan u soo jeediyay in maamulka dhismaya in loogu magac daro Shabeelle State, maadaama labada gobol uu maro hal wabi oo ah wabiga Shabelle.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaba gabadii ka hadlay munaasabada ayaa si rasmi ah waxaa uu uga dhawaaqay inuu shirku furan yahay, isagoo ugu baaqay dadka labada gobol inay dhistaan maamul ay u mideysan yihiin, isla markaana uu ka soo maamu ay iyagu leeyihiin ayna doorteen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ka yimaadeen afar ka mid ah sideedii Madaxweyne ee dalka soo maray, isagoo xusay in labada gobol ay leeyihiin taariikh siyaasadeed iyo taariikh dhaqaale,isagoo dhinaca kale ku booriyey dadka ka soo jeeda labada gobol inay dhisteen deegaanadooda, isla markaana ay hantidooda geliyaan, si magaalooyinka ay u dhismaan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1JJIeet
via IFTTT

No comments:

Post a Comment