Saturday, January 16, 2016

Maxkamad ku taala dalka Mareykan ah 11-sano xabsi ah ku xukuntay laba ruux oo Soomaali ah

Laba qof oo Soomaali ah balse heysta dhalashada dalka Sweden ayaa maxkamad ku taala Mareykanka waxay ku riday xukun kadib markii lagu heley inay ka mid ahaayeen dagaalyahanada Al-shabaab, isla markaana dagaalo dhowr ah ay ka soo qayb galeen.
Dacwad oogaha maxkmadda ayaa sheegay in Cali Yaasiin Axmed 31-jir ah iyo Maxamed Yusuf oo 33-jir ah ay ka qayb-qaateen dagaalo ka dhacay Muqdisho, iyagaoo ka mid ahaa dagaalyahannada Al-shabaab, labadan qof ee Soomaalida ah heystana dhalashada Sweden ayaa maxkamadda New York, Brooklyn waxay ku ridey xukun ah 11 sano oo xabsi ah.
Sido kale dacwad oogaha labadan muwaadin ee Soomaaliga ah ayaa sheegay in labadan nin ay ka safreen guryahooda oo ku yaala dalka Sweden sanadkii 2008-dii, waxayna tababarro ku qaateen xerooyin ay leeyihiin Al-shabaab.
Dhanka kale mid ka mid ah labada nin ayaa ka qayb qaatay cajalad muuqaal ah oo dacaayad loogu samaynayo Al-shabaab sida uu sheegay dacwad-ooguhu labada nin, si kasta ha ahaatee, Xagaagii 2012-kii ayaa labadan nin lagu qabtay Jabuuti iyagoo u socda Yemen; waxaana xukuumadda Sweden ay ku guuldareysatey in iyaga lagu wareejiyo, hase ahaate bishii Nofeember 2012 ayaa gacanta loo geliyey dalka Maraykanka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Zt2YZH
via IFTTT

No comments:

Post a Comment