Friday, January 8, 2016

C/raxman Faroole: Madaxweyne Xasan waa inuu taga Muqdisho isagoo leh 4.5 ma jiro, waayo wuxuu ku..

Madaxweynihii hore ee Puntland,Cabdirixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa khudbad adag ka jeediyay furitaanka garoonka diyaaraha magaalada Boosaaso oo shlaysi rasmi ah loo daah furay.isagoo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin nidaamka uu muranku ka taagan-yahay ee 4.5,waxuuna sheegay madaxweynaha Soomaaliya oo isna munaasabadda ku sugan inuu ka tanaasulo oo u Muqdisho ku laabto isagoo ku dhawaaqaya 4.5 inusan jirin.
Wuxuu ku sheegay nidaamka kala awoodsiinaya qabaa'ilada Soomaliya in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa oo u dalka u noqon lahaa mid dimuquraadiyaddii ka jirto oo ay dadku simanyihiin.
"Madaxweyne Xasan Sheekh,waxaan usoo jeedinayaa inuu ka tanasulo nidaamka 4.5,waxaana ka dooneynaa Muqdisho inuu ku laabto,isagoo leh 4.5 ma jiro,"ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland oo ka mid ahaa dadkii saxiixay nidaamka lugu dhisay dowladda hadda ka jirta dalka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1POITdH
via IFTTT

No comments:

Post a Comment