Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo isugu jira kuwa qumaatiga u kaca iyo miigag ay baadi goob ugu jiraan askar Kenyaan ah oo lagu waayey weerarkii Al-shabaab ay doraad ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel Cadde.
Tiro ka mid ah ciidamada dalka Kenya ayaa la sheegay inay duurka ku firxadeen markii ay xerada ugu soo galeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, waxaana hadda socda baadi goob loogu jiro askartaasi firxadka ku maqan, dadka deegaanka ayaa ku waramay in la arkayo diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya kuwaa oo heehaabaya Deegaanka Ceel Cadde iyo deegaano kale oo ku dhowdhow degmada Garbahaarey, halkaas ay ka baadi goobayaan askar ka maqan.
Dowladda Kenya ayaa qiratay in tiro askartooda ka mid ah lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen xero ciidan ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, lamana oga tirada rasmiga ah ee laga dilay ciidanka Kenya, halka Al-shabaab ay sheegtay in weerarka ay ku dileen in ka badan 70-askari oo ka tirsan ciidanka Kenya.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Zt2ZwP
via IFTTT
No comments:
Post a Comment