Tuesday, January 5, 2016

Itoobiya oo joojisay fiisihii uu xaafiiskeeda Hargeysa bixinjiray iyo maamulka Somaliland oo ka hadalay

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse) ayaa ka hadlay fiisaha Itoobiya ee ay joojisay kaas oo lga bixin jiray xaafiiska wakiilka Itoobiya u jooga magaalada hargeysa, waxaanu wasiir ku xigeenku sheegay in arrinta Fiisaha hakisay ay tahay arrin xaafiiska hargeysa uga furan itoobiya u gaar ah.
"Waa dhab in xaafiiska Itoobiya ee hrgeysa uu yar hakiyay Fiisihii, arrimo u gaar ah oo dhexdooda ah ayuu u joojiyay,balse markii aanu wax ka weydiinay, waxa aanu isla afgaranay in cidii howl caafimaad oo deg deg ah u tagaysa inay tixgelinayaan, in cidii deeq waxbarasho u tagaysa iyo cidii looga yeero Safaaraddaha Itoobiya ku yaala ee Wadamada kale inay iyana tixgelinayaan, markaas waxa la magacaabay guddi ka kooban Afar xubnood oo laba xubnood Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ay ka socdaan, laba xubnoodna xaafiiska Itoobiya ee hargeysa ay ka socdaan waxayna afartaas xubnood isla eegi doonaan kana arrinsan doonaan halka ay marba wax marayaan".
Dhinaca kale WASIIR ku xigeenka ayaa sheegay in xiriir aad u wanaagsani ka dhexeeyo Somaliland iyo wadamada jaarka la ah sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, waxaanu xusay



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Z7Cx0Y
via IFTTT

No comments:

Post a Comment