Ra'iisul wasaarihii hore ee Kenya ahna hogaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka ah ee CORD, Raila Odniga ayaa ku baaqay in shacabka Kenya ay u midoobaan sidii loola dagaalami lahaa Al-shabaab sid uu yiri, hadalkaan ayuu Raila Odinga sheegay kadib markii isaga, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo mas'uuliyiin kale ay booqdeen qaar ka mid ah ciidamadii Kenya ee ku dhaawacmay Weerarkii ay Jimcihii hore Al-shabaab ku qaadday xero ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Mas'uuliyiinta xisbiyada mucaaradka iyo Muxaafadka Dalka Kenya ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka, hoggaamiyeyaasha diimaha iyo siyaasiyiinta inay u midoobaan sidii ay ula dagaallami lahaayeen Al-shabaab oo ay ku tilmaameen cadow xasuuqay ciidamadooda.
"Cadwogeenna waa inaan si wanaagsan u fahannaa. Waana inaan u is-taagnaa si midnimo Qaran ah. Taasoo aan lahayn Xisbiga Talada haya, Mucaarad, Muslimiin iyo Masxiiiyiin, waana inaan noqonnaa Keenyaan isku duuban" ayuu Kenyatta ka yiri goobta.
Uhuru Kenyatta oo sii hadlayay ayaa wuxuu intaas ku daray "Ma noqon doonno fulayaal, waanan la dagaalamaynaa Al-shabaab, waanan ka guuleysan doonnaa", sidoo R/wasarihii hore ee Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay in xilligan ay tahay in shacabka Kenya oo dhan ay midoobaan ayna ka hortagaan falalka cadowtooyada ku dhisan ee Al-shabaab sid uu yiri.
"Xaaladdu marka ay sidan oo kale tahay waa inaan Keenyaan ahaan u is-taagno, mana jirto wax la yiraahdo xukuumad iyo mucaarad, waa in aanu is-taagno sidii innagoo ah Shacab Keenyaan ah" ayuu hadalkiisa ku daray Raila Odinga.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto ayaa isagana tilmaamay ciidamadii Kenya ee lagu laayay saldhigooda Soomaaliya iyo kuwii lagu dhaawacay in ay ahaayeen geesiyaal ka shaqeynayay nabadda.
Dhanka kale taliyaha guud ee ciidamada Kenya Samson Mwathethe ayaa yiri "Waxaan Shacabka Kenya oo dhan u Xaqiijinayaa in Dhiiggii daatay ee ciidamadeenna uusan noqon doonin mid minco la'aan ah. Al-shabaab waxaan ku beegsan doonaa meel Walba oo ay ku dhuumanayaan, waana ka aar-ugudanaynaa dhiiggii ay ciidamadeena ka daadiyeen".
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TeQAgp
via IFTTT
No comments:
Post a Comment