Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay Shirkii Wada-tashiga Qaran ee Muqdisho lagu qabtay ee looga doodayay Nooca Doorasho ee dalka ka dhacaysa daba-yaaqada Sanadkaan, Axmed Madoobe ayaa sheegay in Shirkii Kismaayo ka dhacay ee ay Madaxda Dalka isugu timid ee looga hadlayay qaabka lagu soo xulayo baarlamanka iyo Mustaqbalka Doorashada dhaceysa dhamaadka sanadka in uu ahaa mid guul dareystay.
"Waxaan oran karaa waan ku Guul-dareysanay Hoggaamiyeyaashii Soomaaliyeed ee isugu yimid shirkii Kismaayo inay kaga tashadaan oo ay ka go'aan gaaraan mustaqbalka Soomaaliya, qofka inuu guul-dareystay inuu sheego oo ay Arrintaasi Nasiib-darro ahayd ceeb ma ahan," ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland.
Sidoo kale, Wuxuu intaas ku daray in Shirkii Muqdisho ay Beesha Caalamka isugu yeertay Hoggaamiyeyaasha Soomaalida lana weydiiyay waxa Shirkoodii kasoo baxay, isagoo xusay in ay halkaasi ka sheegeen in shirarkoodii guul-dareysteen.
"Reer Jubbaland ayaanu mataleynay shirka, waxaan ku adkeysanay hab deegaan oo ay reer Jubbaland doorteen, sidoo kalena madaxdii kale ee gobolada soomaliya midwalaba mowqifkiisii ayuu ku dhagey, kadibna dowladda ayaa lagu yiri idinku go'aan keena, Beesha Caalamkuna waxay tiri go'aanka dowladda ayaan qaadanaynaa, waxay dooratay dowladda waxaanu niri nooma cuntamaan, laakiinse Beesha Caalamku ayaa waxay tiri go'aanka dowladda ayaanu taageeraynaa sidaana waan ku qaadanay" yuu yiri Axmed Madoobe.
Dhanka kale madaxweynaha oo la hadlayay shacabka Reer Jubaland ayaa yiri. "Wixii aad noo dirteen waan ku guul-dareysanay inaan idiin keenno, waxaanan raadinaynaa sidii loo heli lahaa xal Soomaliyeed", Madaxweynaha ayaa ku sababeeyay guul darrada madaxda Soomaaliyeed inay tahay in madaxda ay ka hadlayeen danaha u gaar ka ah deegaanka ay kasoo jeedaan.
"Ma dhahayo hogaamiye hebel waa saa iyo maaha, balse guul darrada waxaa keenay in madaxda ay ka hadlayeen waxa ay rabaan oo kama hadlaynin maxaa noo wada dan ah", Madaxweynaha Axmed ayaa ka jawaabay wararkii ahaa in Kismaayo markale la isugu imaanayo waxaa uuna sheegay in maadaama lagu heshiin waayey shirkii Kismaayo aysan u baahnayn culayska go'aan aysan gaarin madaxda eek or looga keenay.
"Dadka reer Jubbaland waxa ay sugayeen in markale Kismaayo la isugu soo laabto oo go'aan la gaaro, maya diyaar uma nihin gogol kale waayo gogoshii hore ee Soomaalinimo u dhigay hadii go'aan lagu gaari waayay mid kale culeyskeeda ma qaadi karno",madaxweynaha oo ka hadlayay ciidamada AMISOM ee ka baxay deeganno ka tirsan Jubbaland ayaa waxa uu sheegay inay tahay xeelad dagaal oo la isugu diyaarinayo dagaalka Jubba Corridor ama howl galka xoreynta webiga Jubba iyo agagaarkiisa.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Pot6Uq
via IFTTT
No comments:
Post a Comment