Wednesday, January 20, 2016

Wafdiyo ay kala hogaaminayaan Ra’isul wasaarayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya oo maanta safar ku tagaya magaalada B/weyne

Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa sheegaya in maanta oo khamiis ah lagu wado inay magaaladaasi gaaraan Ra,iisulwasaarayaasha dalalka Jabuuti iyo soomaaliya iyo wafdiyo ay kala hoggaaminayaan
Sida warku sheegayo socdaalka labada ra,iisulwasaare ayaa ujeedadoodu tahay inay qaybgalaan xaflad sagootin ah oo loo qabanayo ciidamada iyo saraakiisha dalka jabuuti ee qeybta ka ahaa Howlgalka AMISOM kuwaas oo dhameystay mudadii ay ka howlgalayeen dalka soomaaliya,iyadoo ciidamadii badelilahaa ay dalka soo gaareen.
Sidoo kale labada ra,iisulwasaare ayaa kulamo kala duwan la yeelanaya saraakiisha kala duwan ee hoggaamisa ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka hiiraan,kuwaas oo ay kala hadlayaan howladda Ciidamada AMISOM.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in aad loo adkeeyey ammaanka Magaalada B/weyne,halkaasi oo lagu wado inay maanta gaaraan wufuudaasi ka kala socota labada dal,iyadoo dhinca kale lagu wado in wufuudda labada labada dhinac ay ka wadahadlaan arrimaha labada dal iyo xaaladihii ugu dambeeyey.
Socdaalka Ra,iisulwasaaraha dalka Jabuuti ayaa haddii uu tago B/weyne sida la qorsheeyey waxa ay ku soo aadeysaa iydoo wasiirka arrimaha dibadda itoobiya oo baydhabo u tagay doraad ka qeybgalka caleema saarka guddoonka cusub ee baarlamanka maamulka K/galbeed uu booqasho ku tagay xeryaha ciidamada Itoobiya ee ku yaalla Magaalada baydhabo,isagoo kulamo kala duwan kula yeeshay halkaasi saraakiisha hoggaamisa Ciidamada itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1OyhzQK
via IFTTT

No comments:

Post a Comment