Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa sheegay in xukuumadda ay guddi u saartay duqeyntii diyaaradaha Kenya ay ka geysteen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, R/wasaare Cumar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dowladda Kenya ay kala hadleen inay joojiso duqeymaha xagga cirka ah ee ay ka fulineyso qaar ka mid ah gobolada dalka, waxaana uu intaa raaciyay in guddi xaqiiqo raadin ah oo uu hogaaminayo Wasiirka difaaca ee Soomaaliya ay dhawaan tegi doonaan deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda dadka halkaasi ku nool iyo saameynta ay ku yeelatay duqeymaha xagga cirka ah.
"Guddi xaqiiqo raadin ah ayaa tegaya deegaankaasi, waxaana hogaaminaya Wasiirka Gaashaandhigga si ay u soo qiimeeyaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanka, sida aad ogtihiin ciidanka AMISOM way isaga baxeen deegaanka, waxaana qorsheyneynaa in wafdigaasi ay goordhow tagaan Ceel-cadde" ayuu yiir Ra'isul wasaaraha.
Waa markii ugu horeysay ee ay dowlada Soomaliya ka hadasho duqeynta ay ciidamada cirka ka geystay deegaano ka mid ah gobolka Gedo, iyadoo dadka deegaankaasi ay sheegeen in dhibaato xooggan ay ciidamada Kenya u geysteen dadka rayidka ah gaar ahaan duqeymaha ay diyaaradaha Kenya ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Gedo.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nXEBaU
via IFTTT
No comments:
Post a Comment