Wednesday, January 20, 2016

Madaxweynaha Galmudug: Ciddii rabta inay kuraas badan hesho ama leh dadkeyga ayaa badan ha sugato waqtiga la istirinayo ee…

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo shalay dib ugu laabtay xurunta KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in looga hadlayo nooca doorashada ee soomaaliya ka qabsoomaya marka la gaaro dhamaadka sanadkan gaar ahaan qabka loo soo dooranayo xildhibaanada labada aqal ee la qorsheeyey inuu dalku yeesho ayaa sheegay in shirkaasi dib loo bilaabi doono dhawaan, isla markaasna ay weli jirto kala aragtidi duwanaan ka dhaxaysa madaxda soomalida ee qeybgaleysa shirkaasi balse uu ku rajo weyn yahay in go,aan mida ah la gaari doono.
C/kariin Xuseen Guuleed waxa uu sheegay in isaga iyo xubno kale ay qabaan in habkii soomaalida horey wax loogu qeybiyey ee 4.5 lagu soo xulo xildhibaanad labada gole habkasi oo ahaa mid ay soomaalidu kawada dhexmuuqatay golayaasha dowladda loona baahan yahay in dadka soomaaliyeed la isku wado.
Mar uu ka hadlayey xubnaha ka mid ah madaxda soomalida ee qaba in deegaan iyo degmo lagu qeybsado xildhibaanada labada gole ayuu sheegay inay kula talinayaan xubnahaasi inay sugtaan waqtigeeda iyo markii la gaaro doorasho qof iyo cod ah,wuxuuna isagoo arrintaasi ka sii hadlaya uu yiri "ciddii rabta inay kuraas badan hesho ama leh dadkeyga ayaa badan ha sugato waqtiga la istirinayo ee dalka laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah,inta ka horeysana waxaan qabnaa in arrintaasi nidaamka hadda wax loo qeybsado ee 4.5 loo daayo"ayuu yiri C/kariin guuleed oo dhinaca kale sheegay in kulamo kale la isugu imaan doono dhawaan,inkastoo aanu sheegin waqtiga ay kulamadaasi dhacayaan.
Madaxda soomaalida ayaa dhawaan kulan socday 5 maalmood waxa ay ku yeesheen magaalada kismaayo,kaas oo aan wax natiijo ahi ka soo bixin kadib markii xubnihii ka qeybgelayay ay ku kala aragti duwanaadeen habka loo dooranayo xildhibaanada labada gole ee dowladda soo socota.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1WwqHsa
via IFTTT

No comments:

Post a Comment