Dowladda Turkiga ayaa ka dhiseysa magaalada Muqdisho xarun militeri oo noqon doonta sida ay sheegtay saldhigga ugu weyn ee ay ku yeelaneyso qaaradda Afrika, ayna noqon doonto mid ay Afrika dhaqdhaqaaqeeda kala socdaan, waxaana sidaasi laga soo xigtay wasaaradda arrimaa dibadda xukuumadda Ankara.
Emel Ketin oo ah haweenayda u qaabilsan Soomaaliya wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa ku sheegtay dhismaha xaruntan militeri inay qayb ka tahay heshiis ay la gaareen dowladda Soomaaliya bishii ugu dambeysay sanadkii dhamaaday ee 2015, "Dhismahan wuxuu noqon doona xarunta ugu weyn ee militari ee Turkigu ka dhiso qaaradda Afrika, wuxuuna ku yimid dhismaheeda heshiis dhacay bishii Dec/9/2015" ayey tiri Emel Ketin.
Wasaarada arimaha dibadda ee Turkigu waxay sidoo kale xustay in Turkigu Soomaaliya ka dhisi doono machad militari oo wax lagu bari doono saraakiisha Soomaaliya.Turkiga wuxuu sheegay in Somalia ay kaga baxday gargaar dhan $400 milyan.
Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in xaruntan ay noqon doonto mid lagu tababaro ciidamada dowladda Soomaaliya, tababaradaasina hadda kadib ay bixin doonaan saraakil Turki ah si looga maarmo ciidamadihii dibadaha lagu soo tababari jiray sanooyinkii dambe.
Turkiga waxaa lugu sheegi kara hadda inuu Soomaaliya tusayo wax u qabasho, waxaana la filaya bisha labaad ee sanadkan in lugu qaban doono shirka hiigsiga Soomaaliya oo mustaqbalka dalka wax la isaga waydiin doono, madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa soo booqday Muqdisho, marka oo u xarig jaray mashaaricdii ugu ballaarneyd ee dalka laga hirgaliyo wax ka badan labatan iyo shan sano.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1PgiQcz
via IFTTT
No comments:
Post a Comment