Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay la kulmay siyaasiyiin xilal kasoo qabtay xukuumadihii Soomaaliya soo maray oo ay ku jiraaan Cali Maxamed Geeddi iyo C/weli Sheekh Axmed oo labadu horey Ra,iisulwasaarayaal kasoo noqday Soomaaliya, labadan mas'uul ayaa doraad ka degay iyo siyiisiyiin kale oo la socday Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, waxayna safar dhinaca dhulka ah ku aadeen dhinaca magaalada Garoowe, halkaasi oo ay shalay kula kulmeen madaxweynaha Puntland.
"Waxaan idin kaga mahadcelinayaa inaad Puntland timaadeen, waana ognahay inay idinku weyn tahay Soomaalinimadu" ayuu yiri C/weli Gaas oo ka hadlayay booqashada Ra'iisulWasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi oo dowladdii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf kasoo noqday Ra'iisul Wasaare ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta diiran ee lagu sameeyay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.
Sidoo kale, Xubnaha gaaray magaalada Garoowe ayaa waxaa ku jira Salaad Cali Jeelle iyo C/raxmaan badiyow oo labaduba horey isugu soo taagay doorashadii madaxtinimada Sooomaliya ee sanadkii 2012 iyo madax kala duwan oo qaarkood xilal ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray.
Sida wrku sheegayo mas'uuliyiintaasi ayaa Puntland u tagay ka qayb-galka xaflada furintaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso oo 8-da bishan la qabanayo, iyadoo sidoo kale ay goob-joog noqon doonaan wakiilo ka socda diyaarado caalami ah,kuwaasi oo lagu wado in ay adeegsadaan garoonka Bosaaso.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1PHfDWm
via IFTTT
No comments:
Post a Comment