Waxaa shalay soo gabagaboobay shirweeynihii looga tashanayay aayaha Soomaaliya, gaar ahaan qaabka loo soo xulayo xubnaha ka mid noqonaya golayaasha dowladda marka laga gaaro dhamaadka sanadkan oo ay ku egtahay waqtiga dowladda hadda shaqeysa ,waxaana shirkaasi oo intii uu socday ay ka qeybgaleen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ka jira uu ku soo dhamaaday natiijo la,aan,kadib markii ay dhinacyadii ka qeybgalay isku fahmiwaayo qaabka loo soo xulayo xildhibaanada ka mid noqonaya golayaasha dowladda soo socota.
Shirkan oo socday mudo afar maalmood ah ayay madaxdu siweyn uga doodeen qodobo dhowr ah oo ay isku hayeen, walow qaar kamid ah qodobadaasi ay adkaatay in ay xal ka gaaraan amaba ay tanaasulaad isu sameeyaan,waxaana qodobada la isku mariwaayey ka mid ah in deegaan lagu soo xulo xildhibaanada ka mid noqonaya dowladda soo socota iyo in lagu sii socdo habka awood qeybsiga beelaha ee hadda uu baarlamaanka soomaaliya ku dhisan yahay,t aas oo sida la sheegay ay maamulada dalka ka jiraahi siweyn ugu kala aragti duwanaadeen.
Ra,iisulwasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo warbaahinta la hadlay xilli isaga iyo madaxweeynaha ay ka duuli rabeen garoonka Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in shirku soo xirmay qodobada qaarkoodna la isku afgartay, kuwa kale ee dhimanna ay dib ambaqaadi doonaan waqtiyada soo socda inkastoo aanu sheegin xilliga la isugu imaanayo shirka kale.
R/wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo sheegi doonto xilliga la isu soo laaban doono, balse waxa uu xusay in ay jiraan qodobo la isku mari waayey, Madaxweeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max'uud, Raysul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweeyneyaasha maamulada Galmudug iyo Koonfur galbeed iyo xubnihii ku wehlinayay safarkooda ayaa isla shalay ka soo amababaxay magaalada Kismaayo iyagoo soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana weli ku harsan kismaayo Madaxweeynaha Puntland Dr. C/weli Max'ed Cali Gaas oo isna la filayo inuu maanta halkaasi ka soo ambabaxo.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QgWUTK
via IFTTT
No comments:
Post a Comment