Friday, January 1, 2016

Xasan Sheekh: Ciidamada waa inay adkeeyaan ku dhaqanka anshaxa iyo dhowrista qawaaniinta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka todobaadlaha ah ee ciidamada qalabkasida oo ka dhacay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay ciidamada inay ilaaliyaan ku dhaqanka anshaxa iyo dhowrista qawaariina kala duwan ee dalka u yaala.
"Waxaa dhammaanteen ina horyaala waajibaad balaaran oo ah inaan dalka iyo shacabka ugu adeegaeeno, difaaca qarannimada, xuduudaha iyo sugidda amniga ayaa ugu weyn waajibaadka ina saaran, laakiin waxaa iyana in maanka lagu hayo mudan in askarteena ay noqdaan kuwo leh anshaxa lagu yaqaano ciidamada, dhowrana qawaaniinta u degsan ciidanka, madaxda ciidammada ayaa la doonaya inay tusaale fiican noqdaan, si askarta ay ugu deydaan" ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay lagama maarmaannimada anshaxa, wuxuuna sheegay salka dhismaha dowlad horumarsan uu yahay helista ciidan sharciga iyo kala dambeynta dhowra, shacabkuna ay ku deydaan, waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala dardaarmay ciidanka in si buuxda loola dagaalamo musuqmaaqa, xuquuqda ciidankana la ilaaliyo.
Dhinaca kale taliyaha guud ee ciidammada qalabkasida ayaa Madaxweyna Xasan Sheekh u sheegay in halku dhigga sanadka cusub ee 2016-ka uu noqon doono amniga dalkeena waa inaan si buuxda ula wareegnaa, waxa uu sheegay in ciidammada shisheeye ee taageeraya Soomaaliya aysan weligood dalka sii joogi doonin, loona baahanyahay in la bilaabo hannaan cusub oo ciidamada qalabkasida ee Soomaaliya ay kula wareegayaan mas'uuliyadda sugidda amniga qaranka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1P7ovBD
via IFTTT

No comments:

Post a Comment