Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in ummad kasta ay horumar ku gaari karto oo keliya markii ay awoodooda isugu saarto adeegsiga luqaddeeda iyo dhaqankeeda, Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda sanad guuradii 43-aad ee ka soo wareegtay markii la dhaqan geliyey qorista Af-soomaaliga oo lagu qabtay xarunta akadeemiyada cilmiga, dhaqanka, suugaanta iyo fanka Somaliyeed ee Muqdisho.
"Qorista afka Soomaaliga wuxuu ka mid yahay guulaha ay dadka Soomaaliyeed ku faani karaan, go'aanka lagu hirgeliyey qorista afkeena 43 sano ka hor waxaa ku jirta fikir ah in marka la helo nidaam iyo kala dambeyn wax walba iyo horumar kasta la gaari karo, waan ognahay in muddo dheer ay socdeen dedaalo la doonayey in lagu qoro afka Soomaaliga, laakiin sanadkii 1973-dii uu noqday sanadkii dowladdii Kacaanka hirgelisey riyadaas ay mudada dheer qabeen shacabkeena waana ku amaaneynaa, waxaa dhammaanteen waajib inaga saaranyahay inaan xoogga saarno xoojinta Af Soomaaliga, aana ku faanno hiddaha & dhaqanka qaniga ah ee aanu leennahay" ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale madaxweynaha Somaaliya ayaa intaas ku daray in dowladda Somaaliya oo la kaashaneysa hay'adaha kala duwan ee jira ay diyaar u tahay in afka Soomaaliga la xoojiyo, iyadoo si gaar ah loo tix-gelinayo muhimada afka uu u leeyahay dalka iyo siduu wax uga tari karo horumarka iyo adkeynta midnimada.
Madaxweynaha wuxuuu bogaadiyey tallaabadii dhawaan uu qaaday maamulka Gobolka Banaadir ee aheyd in dhammaan boorarka goobaha ganacsiga Muqdisho suran lagu qoro Afka Soomaaliga, isagoo dhanka kalena xusuusiyey shacabka inay xil weyn iska saaraan ilaalinta iyo kobcinta afkooda, maadaama hay'adda Q/Midoobay u qaabilsan culuunta, dhaqanka iyo sayniska ee UNESCO ay sheegtay inuu afka Soomaaligu ka mid yahay afafka khatarta ugu jira inay ka dabar go'aan dunida.
Madaxweyne Xasan ayaa ku amray dhamaan hay'adaha ka howl-gala dalka sharciyada ay ku shaqeynayaan lagu qoro afka Soomaaliga, wuxuuna ugu baaqay Qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay u bari lahaayeen carruurtooda afka Hooyo, Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, wuxuu dhanka kale madaxweynaha Somalia uu ammaanay ammaanay doorka wanaagsan ee uu kobcinta Af Soomaaliga ka qaatay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ZICUda
via IFTTT
No comments:
Post a Comment