Tuesday, January 19, 2016

Dowladda Kenya oo sheegtay inay baareyso in Daacish ay ku lug laheyd weerarkii Ceel-cadde

Saraakiisha milatariga Kenya ayaa wada baaritaano ku aadan in kooxda la magacbaxday khilaafada Islaamka ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya ay gacan ku laheyd weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday saldhigga ay ciidanka Kenya ee AMISOM ka tirsan ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Taliyaha guud ee ciidamada booliska Kenya Joseph Boinet ayaa bishii December ee 2015-kii shaaciyay in Al-shabaab ay laba garab u kala jabtay kuwaasoo midkood uu daacad u yahay kooxda ISIS halka kooxda kalena ay gacan saar la leeyahay shabakadda Al-qaacida, sidoo kale ilo madax bannaan oo soo xigtay milateriga Kenya ayaa sheegay in weerarkii Ceel-cadde loo fuliyay habka ay xoogaga ISIL, weerarada uga fuliyaan wadamada Ciraaq, Suuriya iyo waddamo kale.
Waxaa socda baaritaano ay millateriga Kenya ku sameynayaan lugtii ay ku laheyd Daacish weerarkii lagu laayey askar ka tirsan ciidamada Kenya, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dhanka kale socda waxaa socda howlagallo lagu samata-bixinayo ciidankii ay weerarkaas kaasoo gaareen dhiashada iyo dhaawaca, kaasoo ay mas'uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab; iyadoo qeyb ka mid ah askarta la dilay iyo kuwii la dhaawacay la geeyay magaalada Nairobi.
Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa duqeymo la beegsaday deegaano ay dad shacab ah ku nool yihiim, gaar ahaan deegaano Ceel-cadde aan ka fogeyn, taas oo daba socotay hanjabaadii ay millateriga Kenya ku sheegeen in Al-shabaab ay ka aarugudi doonaan ciidamadii looga dilay weerarkii saldhigga Ceel-cadde.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1T3oTXH
via IFTTT

No comments:

Post a Comment