Monday, January 25, 2016

Xildhibaan Magan: Hadalka Uhuru Kenyatta waa mid uu ku baneysanayo xasuuqa ay ciidankiisu ku hayaan dadka Somaliyeed

Xildhibaan Maxamuud cali magan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka soomaaliya oo ka jawaabayay eedeyn beeshiisa uu shalay usoo jeediyey madaxweynaha Kenyatta Uhuru Kneyata, kaasi oo beesha mareexaan ku eedeeyey in ciidankiisa weerarkii lagu xasuuqay ay kaalin weyn kulaheyd beeshaasi sida uu ku dooday.
Xildhibaan magan oo wareysi siinayay Idaacadd Goobjoog ee Magaalada muqdisho ayaa ku nuuxnuuxsaday in eedeynta uhuru ay tahay mid aan masuuliyad ku dheehneyn, Magan ayaa sidoo kale ku tilmaamay hadalka Madaxweyne uhuru mid uu ku baneysanaayo dhiiga shacabka gedo oo ay dhawaanahanba duqeymo ba'an ciidamadiisa ku hayeen waa sida uu hadalka u yiri.
Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in hadalka uhuru uusan aheyn mid uu agaasime xitaa ku hadli karo isakaba daa madaxweyne dal dhan xukumo in uu sidaas u hadlee, wuxuu sheegay inay dhab tahay in colaad waqtigeedu fogaaday in uu ka dhaxeeyo Beelaha Ogaden yio mareexaan Balse aysan taasi macnaheeda aheyn in Kenya iyo Ogaden ay isleeyihiin, taas badalkeedane Uhuru uu qirtay buu yiri dhibaato ciidankiisa ay beesha Marexaan horay ugu geysteen.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nkwVPt
via IFTTT

No comments:

Post a Comment