Taliyihii hore ee qaybta labaad ee Ciidamada AMISOM(Sector 2) ee kismaayo kusugan, iyadoo lagu badelay taliye cusub oo lagu magacaabo Brig. John Kubasu Warioba kaas oo shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah u ah maamulka Jubba
si rasmi ah looma oga sababta taliyahaasi loo bedelay ,sidoo kale lama oga in inuu wqtigu ka dhamaaday iyo in sababo kale keeneen in xilka laga qaado taliyihii hore ee ciidamada AMISOM ee aagga kismaaayo,wuxuuse bedelkiisu yimid maalmo ka dib markii ay halkaasi gaareen ciidamo cusub oo ka socda dalka itoobiya kuwaas oo kamid noqonaya ciidamada AMISOM ee halkaasi ku sugan,iyadoo dhinaca kale ay jiraan warar sheegaya in taliyaha cusub loo magacaabay arrimo la xiriira weeraro ay doonayaan ciidamada AMISOM ee kismaayo kusugan inay ku qaadaan deegaanada ay gobolada Jubbooyinka uga sugan yihiin Al-shabaab oo inta badan deegaanada hoosyimaada jubbooyinka iyadu gacanta ku haysa,iyadoo dhinaca kale ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidamo kale oo itoobiyaan ahi ay dhaqdhaqaq arrintaasi ku aaddan kawadaan degmada B/dheere kuwaasoo doonaya inay weeraraan degmada Bu,aale oo xarun u ah gobolka J/dhexe
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1mMwqxV
via IFTTT
No comments:
Post a Comment