In ka badan 100 qof oo ka tirsan adeegga dhalinyarada qaranka Kenya NYS (National Youth Service) ayaa ku dhaawacmay qarax aan si rasmi ah loo ogeyn wuxuu ka dhashay kaas oo shalay ka dhacay xero ay ku leeyihiin deegaanka Gilgil oo ka tirsan degmada Nakuru ee gobolka Rift Valley, sidoo kale, 10 ka mid ah dhalinyaradaasi dhibowga ku jiray, ayaa dhaawacyadooda lagu Tilmaamay inay yihiin kuwo halis ah; sida uu sheegay Xildhibaanka laga soo doorto Gilgil, Mathenge Nderitu oo booqday dhalinyarada dhaawacantay.
Xildhibaan Mathenge ayaa dhankiisa xusay in qaraxaas uu ahaa mid ka dhashay Koronto, wuxuuna intaas ku daray in xubnaha kale ee ku sugnaa xeradaas ay soo gaareen dhaawacyo aanan aad u khatar badneyn.
Dhanka kale, Isaac Ndirangu oo ah taliyaha machadka tababarka ee uu Qaraxu ka dhacay, ayaa u sheegay Warbaahinta in Dhalinyaradii ku jirtay Xeradaas aysan qaadanin Amarkii madaxdooda, isagoona intaas ku daray in qaar kamid ah dhalinyaradaas ay markii hore isku qariyeen fasaladooda kadibna ay u soo carareen banaanka, taasoo keentay inay isbuurteen dhalinyaradaas oo wada cararaayay.
Ugu dambeyn, Guddiga dhanka Amniga u Qabilsan Degmada Nakuru, ayaa booqday Mac-hadkaas si ay u ogaadaan Xaqiiqada arrinta halkaasi ka dhacday, iyadoo dhinac kale War-fidiyeenada dalkaasi loo diiday iney gudaha u galaan xarunta qaraxu ka dhacay.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nkI3vP
via IFTTT
No comments:
Post a Comment