Sunday, January 31, 2016

Kenya oo soo iibsatay gaadiid dagaal oo casri ah iyo Al-shabaab oo sheegay in askar Kenyaan ah ay ku dileen gudaha dalkaasi

Sida uu shaaciyay wargeyska Thestar oo kamid ah wargeysyada afka dheer ee kasoo baxa magaalada Nairobi,ayaa sheegay in dowladda Kenya ay soo iibsatay 30 gaadiidka dagaalka oo nooc casri ah kuwaas oo sida wargeysku sheegay loo qaybin doono booliska ka hawlgala deegaanada ay ku badan yihiin weerarada Al-shabaab.
Madaxweynaha Kenya ayaa horay ubalan qaaday in booliska dalka ku xoojin doono diyaarado iyo gawaari gaashaaman si waajibaadkooda u gutaan,sida yiri,iyadoo hubkan cusub ee dowladda Kenya soo iibsatay aan la ogeyn waxa uu ka bedeli karo weerarada xarakada Al-shabaab ay markasta ku qaado ciidamada Kenya.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in weerar kale oo Lagu Dilay Askar Kenyaati ah uu shalay Ka Dhacay Jaziirada Lamu,kaas oo ay geysteen ciidamo ka tirsan Alshabaab,waxayna warbaahinta Al-shabaab oo dagaalkaasi ka hadashay ay sheegeen in weerarkaasi uu ka dhacay deegaan hoosyimaada magaalada Pandanguo oo ka tirsan Jaziirada Lamu ayna ku dileen askar keenyaati ah oo badan
Dhinaca kale sarkaal la hadlay wargeyska daily Nation ayaa sheegay in uu arkay ilaa saddex ruux oo midkood la gowracay, iyo dhismayaal ay dab qabadsiiyeen al-shabaab. Sarkaalkaas ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dad dhaawacyo ah oo cagahooda kaga soo bad-baaday weerarka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1P7TjD4
via IFTTT

No comments:

Post a Comment