Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xarunta madaxtooyada ku qaabilay ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee QM uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, Michael Keating, Xasan Sheekh ayaa ergayga cusub uga warbixiyay xaalada dalku marayo, wuxuuna si gaar ah diiradda u saaray horumarka laga sameeyay, arrimaha siyaasadda, amniga, iyo dib u dhiska dalka.
Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay Keating oo isagana kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hawlgalo Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in QM ay sii wadayso taageerada ay u fidiso Soomaaliya, inta uu xilka hayana uu dardar-gelin doono mashaariicdii ay Qaramada Midoobay ka waddey Soomaaliya,waxaana kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, goob-joogayaal ka ahaa mas'uuliyiin ka kala socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Sidoo kale Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee QM, Keating waxaa uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Prof.maxamed sheikh cusmaan Jawaari iyo ra,iisulwasaaraha xukuumadda Dr.Cumar C/rashiid Cali wuxuuna kala hadlay xalaadda dalka iyo qorshihiisa ku aaddan inuu bilaabayo howlaha qaramada midoobay ee Soomaaliya.
Micheal Keating oo shalay soo gaaray Muqdsho ayaa ah siyaasi u dhashey Britain, wuxuuna beddelay danjire Nichoals Kay oo ahaa wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya kaas oo ay dhammaatay muddadii uu xilka haynayey.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1JeqF6j
via IFTTT
No comments:
Post a Comment