Tuesday, January 12, 2016

Madaxweynaha Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay dalka Soomaaliya, sheegayna…

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa magacaabay safiirka cusub ee Mareykanka u fadhin doona dalka Soomaaliya, waxaana sidaasi lagu sheegay bayaan lagu daabacay website-ka Aqalka Cad ee Mareykanka, bayaanka oo sioo kale lagu xusay in Stephen Michael Schwartz uu noqon doono safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.
Stephen Schwartz oo in muddo ah ka soo shaqeeyay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa hadda ah agaasimaha xafiiska waaxda arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha Australia, New Zealand, iyo jasiiradaha Pacific-ga, xilkan oo uu hayey tan iyo bishii August ee 2015, waxa uu horey u ahaa agaasimaha xafiiska arrimaha galbeedka Afrika, intii u dhaxeysay 2013-dii ilaa 2015-tii, isagoo xilligaas ka hor, intii u dhaxeysay 2010-kii ilaa 2013-dii ahaa ku xigeenka madaxa howlgalka safaaradda Mareykanka ee magaalada Lusaka ee dalka Zambia.
Magacaabidda Stephen Schwartz ayaa astaan u ah dib u soo noolaanshaha xiriirka diblumaasiyadeed ee Mareykanka iyo Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay goor horeyba safiir ugu soo dirtay Washington D.C, waxaana safiirka cusubi uu howshiisa billaabi doonaa marka magacaabistiisa uu ansixiyo senate-ka Mareykanka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1JJIkmm
via IFTTT

No comments:

Post a Comment