Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shaaca ka qaaday tirada Ciidanka Difaaca Kenya ee ka soo jeeda Gaarisa ee lagu dilay weerarkii dhawaan Al-shabaab ay ku qaadday saldhiggii milateri ee ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka ceel cadde ee Koofurta Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay Jaamacadda Gaarisa, ayuu Aadan barre Ducaale sheegay in toddobo ka tirsan ciidanka Kenya oo ka soo jeeday degmada Gaarisa ay ka mid yihiin askarta lagu laalay weerarkii Ceel-cadde,iyadoo dhinaca kale ay jiraan warar kale oo sheegaya in askar kale oo soomaali ah oo ka soo kala jeeda degmooyinka Wajeer iyo mandheera,islamarkaasna ay tirade ciidamada soomaalida ah ee ka tirsanaa ciidamada Kenya ee weerarkaasi ku dhintay ay kor u dhafayaan ilaa dhowr iyo toban askari.
Hadalka uu sheegay Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa imaanaya xilli wali milateriga iyo dowladda Kenya ay ka gaabsanayaan inay sheegaan tirada rasmiga ah ee ciidankooda looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay 15-kii bishan ku qaaday deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Weerarkii ka dhacay Ceelcadde ayaa la rumaysan yahay inuu yahay kii ugu xumaa ee lala eegtay ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana loo maleynayaa in boqolaal askarta ka tirsan ay halkaasi ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawac intaba.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Pot6ng
via IFTTT
No comments:
Post a Comment