Cabdi Xaaji Goobdoon oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho
Allaha u naxariistee waxaa saaka Isbitaalka Daaru Shifa ee Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Marxuum Cabdi Xaaji Goobdon oo ahaa Qabiir Saxaafadeed, lana soo shaqeeyay Xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray.
Marxuumka ayaa saaka aroortii ku geeriyooday Isbitaalka Daaru Shifa, xilli halkaasi la geeyay, kadib markii xanuun dhanka wadnaha oo deg deg ah uu ku soo booday.
Abuukar Xaaji Goobdon oo ah Walaalka Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon, ayaa BBC u xaqiijiyay geerida Walaalkiis, wuxuuna sheegay in Xanuun uu ku soo booday, kadibna markii Isbitaalka ay geeyeen uu ku geeriyooday.
Marxuum Cabdi Xaaji Goobdon, ayaa la soo shaqeeyay ilaa Dowladii Maxamed Siyaad Barre.
Xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray qaarkood wuxuu ka soo noqday Afhayeen, halka qaarna uu ahaa la taliye dhanka Saxaafadda ah.
Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon, ayaa ka mid ahaa Xubnihii ka shaqeynaayay Sharciga Saxaafadda ee dhawaan Madaxweyne Xasan uu meel mariyay.
Marxuumka ayaa si aad ah u xasuusataa Bahda Saxaafadda Somaliya, maadaama uu ka mid ahaa dadka waxgalka u ah Saxaafadda ee waqtigaan soo gaaray.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nkI6rp
via IFTTT
No comments:
Post a Comment