Kulan laba maalin socday oo golaha wasiirada arimaha dibada dalalka xubnaha ka ah IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa looga hadlay arrimaha dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan, gebagabadii kulanka ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ku dhawaad 30 qodob ka kooban oo khuseeya labada dal, iyadoo dhinaca soomaaliya laga soo saaray 8 qodob oo khuseeya arrimaha soomaaliya waxayna kala yihiin sida tan:
1) Goluhu wuxuu soo dhaweeyay balanqaadka dowladda soomaaliya ee ahaa in doorashooyinku ku dhacaan xiligii loo qabtay
2) Goluhu wuxuu taageeray go'aankii dowladda soomaaliya ka soo saartay nooca doorasho ee lagu saleynayo doorashada Soomaaliya daba yaaqada sanadkan iyadoo dalalka IGAD iyo Beesha caalamka laga codsaday in laga hortago qaswadayaasha caqabada ku ah horusocodka Siyaasada iyo amniga Soomaaliya,mana aysan sheegin cidda ay ula jeedaan qodobkan.
3)Goluhu wuxuu go'aan ku gaaray in guddi ka kooban golaha wasiirada IGAD ka caawiyaan dowladda soomaaliya wada hadalada ay la geli doonto dowlddu maamul goboleedyada si loo dhaqan geliyo go'aanka kasoo baxay dowladda soomaaliya .
4) Goluhu wuxuu dowladda soomaaliya ugu baaqay inay dedajiso dhismaha maamul goboleedka Shabeelada dhexe iyo Hiiraan iyo wadahadalada usocda Galmudug iyo Ahlu sunna, goluhu wuxuu bogaadiyay balan qaadka ,dedaalka joogtada ah iyo dhiiranaanta AMISOM iyo SNA iyadoo goluhu cambaareeyay weerarkii Ceelcade.
golaha wasiirada IGAD wuxuu soo dhaweeyay balan qaadka Jabuuti ee ah inay martigelinayso kulanka dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Bisha February ka dhici doona Jabuuti kaasoo dib loogu eegi doono howlgalka AMISOM, wuxuu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee xafiiska IGAD ee Soomaaliya ka qaadanayo arrimaha amniga ,dib uheshiisiinta iyo dhaqan gelinta hiigsiga dowladda Soomaaliya ee sanadka 2016, goluhu wuxuu soo jeediyay in kulan madaxeedka soo socda ee dalalka IGAD lagu qabto Magaalada Muqdisho.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nXEAE8
via IFTTT
No comments:
Post a Comment