Guddoomiyaha Maxkamadcda Sare ee Soomaaliya Caydid Cabdullaahi Ilkaxanaf ayaa sheegay in siyaasiyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo doonaya in axsaabta ay samaysteen loo sharciyeeyo ay dacwad kasoo gudbiyeen Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Cumar C/rashiid iyo Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmana Xuseen Odawaa.
Ilkaxanaf waxa uu sheegay in xisbiyadan ay doonayaan in la sameeyo sharcigii axsaabta, ee suurta gelin lahaa in xisbiyada siyaasadda la diiwaan geliyo si ay uga qeybgalaan doorashooyinka soo socda, guddoomiyaha Maxkamadcda Sare ayaa sheegay in dacwadda ra'iisul wasaaraha ay u gudbiyeen qareenka xukuumadda, si ay jawaab uga bixiyaan, kadibna kiiska dacwadda halkaas laga amba qaadi doono.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nmYPu6
via IFTTT
No comments:
Post a Comment